Wargeyska Talyaaniga ee Tuttosport ayaa soo saaray liiska kama dambaysta ah ee 25 ciyaaryahan ee u tartamaya abaalmarinta Golden Boy 2026, kadib markii liiska hore laga soo yareeyay 100 ciyaaryahan.
Liiska waxaa ku jira xiddigo da’yar oo ka kala tirsan kooxaha waaweyn ee Yurub, waxaana si gaar ah u muuqda 3 ciyaaryahan oo Barcelona ah, 2 ka tirsan Real Madrid, iyo ciyaartoy badan oo ka socda Premier League.
Waxaa sidoo kale liiska ku jira Ayoub Bouaddi, halka Désiré Doué oo ka tirsan Paris Saint-Germain uu yahay ku guuleystihii Golden Boy ee 2025.
Abaalmarintan waxaa ku tartama ciyaartoyda ka yar 21 sano ee ka ciyaara horyaallada Yurub. Guuleystaha Golden Boy 2026 waxaa lagu dhawaaqi doonaa xaflad ka dhici doonta Turin, Talyaaniga, bisha November.
Musharraxiinta 25-ka ah:
- Pau Cubarsí – Barcelona
- Marc Bernal – Barcelona
- Xavi Espart – Barcelona
- Ayoub Bouaddi – Manchester City
- Warren Zaïre-Emery – PSG
- Yan Diomande – Real Madrid
- Luka Vuskovic – Brighton
- Victor Froholdt – Porto
- Myles Lewis-Skelly – Arsenal
- Ryan – Bournemouth
- Jorrel Hato – Chelsea
- Lennart Karl – Bayern Munich
- Estêvão – Chelsea
- Endrick – Real Madrid
- Junior Kroupi – Bournemouth
- Gianluca Prestianni – Benfica
- Konstantinos Karetsas – Borussia Dortmund
- Saïd El Mala – Köln
- Jon Martín – Real Sociedad
- Karim Adeyemi? – Juventus
- Finn Jeltsch – Stuttgart
- Charalampos Kostoulas – Brighton
- Joan Gado – Borussia Dortmund
- Franco Mastantuono – Fiorentina
- Rodrigo Mora – Roma
Liiskan ayaa hadda laga sugayaa tartanka kama dambaysta ah, iyadoo mid ka mid ah xiddigahan da’da yar loo caleemo saari doono Golden Boy 2026.

