Erling Haaland ayaa heshiis cusub u saxiixay Manchester City, sida lagu sheegay war rasmi ah oo ay soo saartay kooxda reer England.
Haaland oo ka mid ah xiddigaha laf dhabarta u ah kooxda Man City ayaa qalinka ku duugay heshiis waali ah.
Xiddiga reer Norway ayaa u saxiixay Man City heshiis 9 sano Iyo badh ah oo uu ku joogi doono Etihad.
Kooxda ayaa tiri: “Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno in Erling Haaland uu qandaraaska u kordhiyey Manchester City ilaa 2034.”
Wariye David Ornstein ayaa sheegay in Haaland uu noqon doono mid ka mid ah kuwa ugu mushaarka badan adduunka, isaga oo mushahar ahaan u qaadan doona ilaa 500 kun oo ginni todobaadkii.
Waxa la xaqiijiyay in heshiiska Haaland uuna ku jirin wax shardi ah oo lagu bur-burin karo heshiiskiisa.
Be the first to comment