
Kooxda Chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga kooxda Brighton ee João Pedro kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii uGgu dambeeyay.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Chelsea João Pedro ka saxiixatay heshiis wakhti fog ah.
Chelsea ayaa ogolaatay in ay bixiso lacag dhan 50 milyan oo euro si ay ugu xoojiso kooxda.
Xiddiga João Pedro ayaa maalinta Salaasada mari doona tijaabada caafimaadka si uu u dhamaystiro heshiiska.
Xiddiga ayaa kadib u duuli doona dalka Maraykanka si uu Chelsea ugala qayb galo tartanka koobka kooxaha adduunka.
Be the first to comment