RASMI: Bukayo Saka Oo Heshiis Cusub U Saxiixay Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga garabka uga ciyaara ee Bukayo Saka sida uu xaqiijiyay David Ornstein.

David Ornstein Ayaa sheegay in uu Bukayo Saka ogolaaday in uu kooxda u saxiixo heshiis cusub oo uu ku sii joogi doono kooxda.

Saka oo heshiiskiisa haatan dhacayo Bisha June 2027 ayaa ogolaaday in uu heshiis cusub u saxiixo hogaamiyayaasha horyaalka.

Saka ayaa qalinka ku duugaya heshiis uu kooxda ku joogi doono ilaa xagaaga 2031 si uu kooxda ugu hibeeyo mustaqbalkiisa.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga