RASMI: AS Roma Oo Shaqada Ka Caydhisay Daniele De Rossi

Roma ayaa shaqada ka ceyrisay tababaraheedii Daniele De Rossi iyadoo loo eegayo xaalada kooxda sida ay kooxdu ku soo saartay warbixin.

Kooxda Roma ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqday in ay shaqada ka cayrisay tababareheeda De Rossi subaxnimadii Arbacada.

Inkastoo Giallorossi ay weli guul la’aan tahay afar kulan oo Serie A ah, go’aanka ayaa weli ah mid la yaab leh, maadaama De Rossi uu qandaraaska u kordhiyay ilaa 2027 bishii June ee la soo dhaafay, ka dib lix bilood oo uu ku fadhiistay kursiga keydka Roma isagoo ku meel gaar ah.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ayaa la shaqaaleysiiyay bishii January iyada oo lagu badalay Jose Mourinho oo la caydhiyay.

waxaana tan iyo markaas uu maamulay 26 kulan oo Serie A iyo Europa League ah, isagoo helay 13 guul iyo lix guuldarro.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga