RASMI: Arsenal Oo Shaacisay Liiska 17 Xiddig Oo Ay Fasaxday.

Kooxd aArsenal ayaa soo saartay liiskeeda dhamaadka xilli ciyaareedka, iyadoo 17 ciyaartoy ay ka tageen.

Jorginho iyo Kieran Tierney ayaa ka mid ah ciyaartoyda ay kooxdu fasaxday marka uu dhamaado qandaraaskooda.

Dhanka kale, Thomas Partey ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah kula jira kooxda.

Ciyaaryahanka khadka dhexe, oo 31 jir ah, ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Emirates iyadoo qandaraaskiisu uu dhacayo bishaan.

Kooxaha sida Barcelona, ​​Atletico Madrid iyo Juventus ayaa dhamaantood la fahamsan yahay inay xiiseynayaan.

Naadiyada Sacuudiga ayaa sidoo kale isha ku haya xaaladda, inkastoo Partey uu doorbidayo inuu sii joogo caasimadda.

Xiddigaha kooxda amaahda kula jooga ee Neto iyo Sterling ayaa isaga tagi doona kooxda sidoo kale.

Xiddigaha kooxda da’yarta Arsenal ee la fasaxay ayaa waxaa ka mid ah; Nathan Butler-Oyedeji, Reece Clairmont, Khayon Edwards, Jakai Fisher, Romari Forde, Jimi Gower, Jack Henry-Francis, Max Kuczynski, Salah-Eddine Oulad M’Hand, Ismail M’Hand, Brian Okonkwo, Elian Quesada-Thorn iyo Zacariah Shuaib.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga