
Marcus Rashford ayaa ku riyaaqay kor u kac isla markiiba ah qaab ciyaareedkiisa tan iyo markii uu Aston Villa amaah ugu soo biiray suuqii January.
Kadib markii uu ku dhibtooday Man United xilli ciyaareedkan xiddiga ayaa go’aansaday in uu isaga Tago kooxda Man United suuqii January isaga oo amaah ugu Biiray Aston Villa.
Waxa ay ku qaadatay kaliya seddex kulan oo Premier League ah kooxdiisa cusub.
Rashford ayaa caawiye ka ahaa labadii gool ee ay dhalisay kooxda Aston villa kulankii Chelsea ee premier League.
Sidoo kale Rashford ayaa sameeyay 4 fursadood oo Waaweyn waana Rikoodhka ugu fiican ee uu xiddig sameeyo tan ilaa markii OPTA bilowday uruurinta xogta.
Be the first to comment