suuqa kala iibsiga ayaa xidhan laakiin kooxaha kala duwan ayaa wali si weyn loola xidhiidhinayaa xiddigaha.
Xiddigo badan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha kuwaas oo doonaya in ay kooxo cusub ku biiraan suuqa January.
Manchester United ayaa isku diyaarinaysa inay u soo bandhigto kooxda Napoli xiddiga Joshua Zirkzee si uu qayb uga ahaado heshiiska ay ku doonayso weeraryahanka amaahda uga maqan ee Victor Osimhen (Gerardo Fasano).
Xiddiga Federico Chiesa ayaa laga yaabaa in uu ka tago Liverpool kadib markii uu Xiiso ka helay kooxda Inter Milan ka hor suuqa January (Tuttosport).
Arsenal ayaa diyaar u ah inay bixiso 75 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga Raphinha (Fichajes).
Kooxaha Man United iyo Liverpool ayaa doonaya in ay Premier League ku soo celiyaan xiddiga Christian Pulisic (Calciomercato).
chelsea iyo Liverpool ayaa dalab 20 milyan ah ka gudbinaya xiddiga kooxda Lyon ee Rayan Cherki (Fichajes).
Kooxda Man City ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga Bayer Leverkusen ee Jeremie Frimpong kaas oo ay u doonayso badalka Kyle Walker (Football Insider).
Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa in ay si lama filaan ah ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Lyon ee Alexander Lacazette sabab la xidhiidha dhibaatada Kylian Mbappe (Fichajes).
Manchester United ayaa isku dayaysa inay heshiis la gaarto 17 jirka reer Portugal ee Geovany Quenda oo u ciyaara Sporting Lisbon (A Bola).
Barcelona ayaa ka fiirsanaysa inay heshiis cusub ka saxiixato goolhaye Wojciech Szczesny oo 34 jir ah toddobaadyo uun ka dib markii uu ku soo biiray kooxda (Marca).
Weeraryahanka reer Brazil Neymar ayaa qarka u saaran inuu ku laabto Santos iyadoo naadigiisa Saudi Arabia ee Al-Hilal uusan ku faraxsanayn dhibaatada dhaawaca ee 32 jirkaan (Cesar Luis Merlo).
Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxiixa Weeraryahan kooxda Juventus ee Dusan Vlahovic (Rudy Galetti).
Be the first to comment