Raphael Varane Oo Sheegay Sababta Uu Uga Tagay Man United.

Raphael Varane waxa uu qorsheeyay in uu xirfadiisa ciyaareed ku dhamaysto Manchester United laakiin waxa uu dareemay in mashruuca kooxdu ‘uusan ku haboonayn isaga’ ka hor intii aanu ka tagin xagaagii.

Laacibka reer France ayaa seddex xilli ciyaareed ku qaatay Old Trafford isagoo ku guuleystay FA Cup iyo League Cup, laakiin sidoo kale wuxuu ku dhibaatooday dhaawacyo isaga oo aan joogto ugu ciyaarin kooxda.

Dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore 31-sano jirkaan ayaa ka tagay Old Trafford markii uu qandaraaskiisu dhamaaday, isagoo u saxiixay kooxda reer Talyaani ee Como.

Nasiib darro dhaawac jilibka ah ayaa tan iyo markaas ka saaray isaga, waxaana uu qaatay go’aan ah inuu ka fariisto kubadda cagta isagoo kaliya 31 jirsaday horaantii sanadkan.

Waxa uu sheegay in markii uu Manchester United kaga soo biiray Real Madrid sannadkii 2021 uu ugu talo galay in Red Devils ay noqoto kooxdiisii ​​ugu dambaysay, balse uu dareemay in aanu ku habboonayn mashruuca Old Trafford.

“Bilawgii xilli ciyaareedkeygii ugu dambeeyay ee Manchester United, waxaan durbaba naftayda u sheegayay inaan jeclaan lahaa inaan halkaas ku dhamaysto ciyaaraha si aan u dheereeye xiisaha”ayuu Varane u sheegay L’Equipe.

“Laakiin taasi ma dhicin xagaagiina waxa uu ahaa mid dhacdooyin badan ka dhacday”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga