RAMSI: Barcelona Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Xiddig Wacdaro Dhigay Xilli Ciyaareedkan.

Barcelona ayaa xaqiijisay in Pau Cubarsi uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kooxda kula sii joogayo ilaa 2027.

17-sano jirkaan ayaa loo dalacsiiyay Kooxda 1-aad xilli ciyaareedkan waxaana uu si dhaqsi ah u noqday ciyaaryahan muhiim ah kooxda isaga oo 17 kulan u saftay kooxda.

Iyadoo tiro ka mid ah kooxaha reer yurub xiiso u muujinayaan saxiixa xiddiga Barcelona ayaa si deg-deg ah u dhaqaaqday iyaga oo heshiis cusub oo 3 sano ah ka saxiixday xiddiga iyaga oo kor u qaaday mushaharkiisa.

Heshiiska Cubarsi ayaa hadda waxaa ku jira in lagu burburin karo oo ah 500 milyan oo euro.

Marka uu noqdo 18 sano sanadka 2025 bilowgiisa xiddiga ayaa la filayaa in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda iyada oo wargayska AS Sheegay in heshiiskaas haatanba laga heshiiyay kuna eegyahay laa 2029.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga