Kooxda Paris Saint-Germain ayaa guul weyn oo muhiim ah ka gaadhay Chelsea kadib markii ay ku garaaceen 5-2, kulankii lugta koowaad ee wareegga 16-ka ee UEFA Champions League.
Ciyaartan oo lagu qabtay garoonka Parc des Princes, PSG waxay ku dhowaadeen inay gaaraan quarter-final-ka.
⚽ Sida goolashu u dhaceen
-
Daqiiqadda 10-aad: Bradley Barcola ayaa PSG u dhaliyay goolka koowaad kadib darbo xooggan oo uu ka tuuray gudaha diilinta.
-
Daqiiqadda 28-aad: Malo Gusto ayaa barbaraha u dhaliyay Chelsea kadib kubbad uu gudaha diilinta ka helay.
-
Daqiiqadda 40-aad: Ousmane Dembélé ayaa PSG u dhaliyay goolka labaad kadib fursad uu kaligiis ku aaday goolka.
⚽ Qaybta labaad
-
Daqiiqadda 57-aad: Enzo Fernández ayaa u dhaliyay Chelsea goolka barbaraha 2-2 kadib caawin uu ka helay Pedro Neto.
-
Daqiiqadda 74-aad: Vitinha ayaa PSG u dhaliyay goolka saddexaad isagoo kubbad farsamo leh ka dul qaaday goolhayaha.
-
Daqiiqadaha 86 iyo 90+4: Khvicha Kvaratskhelia ayaa laba gool oo kale u dhaliyay PSG, isagoo soo gabagabeeyay bandhigga goolasha.
Labada koox ayaa markale ku kulmi doona 17-ka March lugta labaad ee ka dhici doonta garoonka Stamford Bridge ee magaalada London, halkaas oo lagu go’aamin doono kooxda u gudbaysa quarter-final-ka.
Be the first to comment