PSG Oo Usoo Gudubtay Wareegga 16ka, Murugada Haleeshay Newcastle Iyo Barcelona Oo Guul-darro Loo Xambaariyey

Kooxda kubadda cagta PSG ayaa si dhib badan ugu soo gudubtay wareegga 16ka tartanka Champions League, waxaana garab siisay oo caawisay AC Milan oo ka badisay Newcastle United oo haddii ay guuleysan lahayd kusoo bixi lahayd booska kaalinta labaad.

Hormada musalsalka ee ugu adkayd tartanka Champions League ee F ayaa waxa illaa daqiiqaddii ugu dambaysay ku dagaallamayay Borussia Dortmund vs PSG iyo AC Milan vs Newcastle, kuwaas oo midba midka kale guul-darro la doonaysay.

Borussia Dortmund oo mar horeba soo gudubtay ayaa u dagaallamaysay inay kusoo baxdo kaalinta koowaad, waxaanay ku xaqiijisatay barbarro 1-1 ah oo ay la gashay PSG oo ay goolka kala hormartay, waxaana sidaas hormadan kaga soo baxay Borussia Dortmund iyo PSG.

Kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund ayaa gool uu u dhaliyey Adayemi la hormartay daqiiqaddii 50aad, hase yeeshee da’yarka Zaïre-Emery oo saddex daqiiqadood oo kaliya ay ku qaadatay inuu keeno goolka barbarraha.

Kylian Mbappe ayaa PSG u dhaliyey gool kale oo uu garsooruhu ka diiday markii loo xaqiijiyey in uu offside ku jiray, waxaanay ciyaartoodu kusoo dhamaatay min hal gool, iyaga oo sidaas kusoo gudbay.

AC Milan ayaa iyaduna 2-1 ku garaacday Newcastle United oo ay ku booqatay Ingiriiska, waxaase farqiga goolasha ay kaga dambeeyeen AC Milan oo ay isku dhibco ahaayeen, sidoo kalena ka badisay labadii jeer ee ay kulmeen taas oo keentay in kooxda reer France ay soo gudubto, halka AC Milan ay u dhacday tartanka Europa League.

Dhinaca kale, kooxda kubadda cagta Benfica ayaa usoo gudubtay wareegta 16ka Champions League, iyadoo iska reebtay Shakhtar Donetsk oo ay isku dheggenaayeen, waxaanay ku karbaashtay 5-3, taas oo ka dhigtay inay hormada H kasoo wada gudbaan Barcelona oo iyadana 3-2 ay ku garaacday kooxda yar ee reer Belgium ee Antwerp oo ay ahayd guusheedii koowaad ee ay ka hesho tartanka Champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga