Premier League Oo Sheegay Sababta Kaadhka Cas Loogu Taagay Declan Rice Kulankii Brighton.

Maamulka Premier League ayaa xaqiijiyay sababtii kaadhka cas loogu taagay Declan Rice kulankii Arsenal ee Premier League ee ay la ciyaareen Brighton.

Kooxda Mikel Arteta ayaa isha ku haysay in ay sii wadaan guulaha xidhiidhka ah ee ay ku bilaabatay xilli ciyaareedka kadib markii uu Havetz dhaliyay goolka 1-aad.

Laakiin Ciyaarta ayaa is badashay kadib markii Declan Rice qaatay kaadhka cas ka hor inta ayna Brighton dhalin goolka bar-baraha.

Rice ayaa loo taagay kaadhka cas markii ugu horaysay taariikhda xirfadiisa ciyaareed 4 daqiiqo kadib markii ay bilaabatay qaybta dambe ee ciyaarta.

Xiddiga ayaa kubada ka laaday xiddig Brighton ah oo doonayay in uu ciyaarta bilaabo kadib markii garsooruhu joojiyay ciyaarta.

Maadama uu xiddigu isku dayay in uu lumiyo wakhtiga isla markaas kubada si kas ah u laaday waxa uu garsooruhu u taagay xiddiga kaadhka 2-aad ee digniinta ah taas oo la macno ah in uu ciyaarta ka boxo.

1 Comment

Dhiibo Fikirkaaga