Xulka Portugal ayaa guul weyn ka gaaray Armenia oo 9-1 ku garaacay wareega lixaad ee ugu dambeeya ee isreeb-reebka Yurub ee Koobka Adduunka.
Portugal ayaa kor u qaaday dhibcaha ay haysato ilaa 13 dhibcood, iyagoo hogaaminaya kooxda, isla markaana si toos ah ugu soo baxay Koobka Adduunka, halka Armenia ay ku ekaatay 3 dhibcood oo ku filan kaalinta afraad ee ugu dambeysa.
Goolasha ciyaarta:
-
Renato Veiga ayaa u dhaliyay Portugal daqiiqadii 7-aad.
-
Armenia ayaa la timid goolka barbaraha oo uu dhaliyay Eduard Spertsyan daqiiqadii 18-aad.
-
Gonçalo Ramos ayaa u dhaliyay Portugal goolka labaad daqiiqadii 28-aad.
-
João Neves ayaa dhaliyay laba gool oo kale daqiiqadaha 30 iyo 41.
-
Bruno Fernandes ayaa dhaliyay hat-trick daqiiqadaha 45+3, 52, iyo 72.
-
João Neves ayaa goolka sideedaad u dhaliyay daqiiqadii 81.
-
Francisco Conceição ayaa goolka sagaalaad u dhaliyay daqiiqadii 90+2.
Be the first to comment