Phil Doden Oo Ka Fal-Celiyay Ku Guulaysiga Abaalmarinta xiddiga Ugu Fiican Xilli ciyaareedka

Xiddiga Manchester City Phil Foden ayaa sheegay inuu aad u dareemayo farxad kadib loo Magacaabay Xiddiga Ugu Fiican Xilli ciyaareedka.

Foden ayaa abaalmarinta ku Garaacay xiddigo ay ka mid yihiin Van Dijk iyo Haaland.

Xiddiga ayaa qaab ciyaareedka fiican ee uu Soo bandhigay ku mutaystay in uu ku Guulayasto abaalmarinta.

“Inaan ku guuleysto abaalmarintan waa guul aan aad ugu faraxsanahay”ayuu yidhi Foden

Horyaalka Premier League ayaa loo aqoonsan yahay inuu yahay horyaalka ugu weyn adduunka, waana wax lagu farxo in Aan la tartamo xiddigo badan Oo magac leh”.

“Guud ahaan, aad ayaan ugu faraxsanahay qaabka aan u ciyaaray xilli ciyaareedkan, runtiina aad ayaan ugu faraxsanahay in aan awooday in aan gacan ka geysto goolasha iyo caawinta xilli ciyaareedka oo dhan”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga