Petr Cech Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier League.

Goolhayihii hore ee Chelsea Petr Cech ayaa Arsenal u saadaaliyay ku guulaysiga premier League xilli ciyaareedkan.

Petr Cech ayaa sheegay in Gunners haysato kayd fiican kadib markii ay kooxda xoojisay suuqii xagaaga.

Arsenal ayaa haatan hogaaminaysa premier league iyaga oo ka horeeya kooxaha kula tartamaya horyaalka.

“Arsenal waxa ay haystaa fursad weyn oo ay ugu guulaysan karto horyaalka premier Leageu xilli ciyaareedkan”.

“Dhamaan kooxaha kula tartamaya hoos ayay u dheceen xilli ciyaareedkan, Arsenal-na way ka faa’iidaystay”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga