Pep Guarriola Oo Qiimeeyay Fursadaha Liverpool Ee Ku Guulaysiga Premier League

Tababaraha kooxda Man City ee pep Guarriola ayaa sheegay in ay Liverpool wali horyaalka ku garaaci karaan Man City iyo Arsenal xilli ciyaareedkan.

Kooxda pep Guarriola ayaa ku Sii dhawaatay ku guulaysiga horyaalkii 4-aad oo xidhiidh ah.

Tartanka horyaalka ayaa haatan u dhexeeeya kooxaha Arsenal iyo Man City Kadib Guuldaradii Liverpool ka Soo gaadhay Everton.

Laakiin Guarriola ayaa sheegay in Aan wali Liverpool Laga Saari karin tartanka Premier League xilli ciyaareedkan.

Mar la weydiiyay inuu dareemayo in tartanka horyaalka uu u dhaxeeyo Man City iyo Arsenal hadda, tababaraha ayaa u sheegay BBC Sport:”Maya”.

“Waxa ku dhacay Liverpool, labo guuldarro oo xiriir ah, Arsenal ayay ku dhici kartaa, annaga ayay nagu dhici kartaa. Qofna taas kama nabad qabo”.

“Waxyaabo badan ayaa dhici kara. Waa inaan nasano. Hadda way soo kabatay oo u gudub kan ku xiga”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga