Pep Guardiola ayaa qirtay inuu markii hore qorsheynayay inuu ka tago Manchester City dhamaadka xilli ciyaareedkan, laakiin wuxuu bedelay go’aankiisa daqiiqadii ugu dambeysay.
Guardiola ayaa saxiixay qandaraas cusub oo laba sano oo kale ah, isagoo sii hayn doona xilka tababaranimo ee Man City ilaa 2027.
Macalinka reer Spain ayaa sheegay in caqabadaha kooxda ay soo wajahday mudooyinkii ugu dambeeyay uu dareemayay inuusan xiligaan ka tagin kooxda.
Guardiola ayaa yidhi”Tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka, wax badan ayaan ka fikirayay”.
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan u maleynayay in xilli ciyaareedkan uu yahay kii ugu dambeeyay, laakiin dhibaatooyinkii aan la kulanay bishii hore, waxaan dareemay inaysan waqtigan ku haboonayn in aan ka tago kooxda”.
Be the first to comment