Pep Guardiola Oo Saadaaliyay Kulamada U Dhiman Arsenal Horyaalka Premier League.

Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa saadaaliyay in ay Arsenal badiso dhamaan kulamadeeda ka harsan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Arsenal ayaa hal dhibic ka horaysa kooxda Man City oo uu hal kulan baaqi u yahay.

Labada Kooxood waxa u dhiman Arsenal (3) iyo waliba Man City (4) iyada oo labada kooxood ku tartamayaan horyaalka.

Guardiola ayaa rumaysan in ay Arsenal badin doonto kulamada u dhiman horyaalka premier League ee Bournemouth, Manchester United & Everton.

Markii wax laga weydiiyay guushii Arsenal ay ka gaartay Tottenham, Guardiola ayaa ku jawaabay:”Waxaan doonaynay in laga badiyo laakiin arintaas ma maamuli karno”.

“Waxa ay heleen natiijo fiican, waxa u dhiman 3 kulan, waxana aan filayaa in ay badiyaan dhamaantood”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga