
Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay in kooxdiisu ay “1%” fursad u haysato inay u soo baxdo wareega 16ka Champions League ka hor lugta labaad ee ay Real Madrid la ciyaari doonto habeenka Arbacada.
Arinta ayaa ka duwanaan lahayd sida ay xaaladu tahay, Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ayaa 2-1 ku hogaamineysa Madrid iyadoo wax ka yar toban daqiiqo ka dhimantahay dhamaadka ciyaarta lugtii hore ee kulankii ka dhacay Etihad ka Hor inta ayna laba gool oo wakhti dambe ayna Real Madrid ugu badalin ciyaarta.
Isku cel-celis ahaan 3-2 ka hor kulanka muhiimka ah ee isbuucaan ka dhacaya caasimada Spain, City waa inay ku garaacdaa Madrid labo gool oo nadiif ah waqtiga caadiga ah ama ay ku badiso hal gool oo ay ku badiso rigooreyaasha xiga. Guardiola ayaan rajo badan ka qabin.
“Farqiga guusha ee Bernabeu ee booskaas, qof walba waa ogyahay in haddii aad weydiiso ciyaarta ka hor, waxa aan halkaas la aadaynaa fursad ah %1 ah, “Laakiin ilaa iyo inta aad fursad u haysato, waa in aad ku daydaa”.
Be the first to comment