Pep Guardiola Oo Magacaabay Kooxda Uuna Doonayn In Uu Ka Hor Yimaado Champions League.

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay inuusan dooneyn inuu wajaho Barcelona tartanka Champions League.

Pep Guardiola ayaa sanado badan oo guulo ah ku qaatay kooxda Barcelona isaga oo kula guulaystay koobab badan.

Sidoo kale Guardiola ayaa ciyaartoy ka soo nqoday Barcelona isaga oo u soo ciyaaray kooxda reer Spain.

Tababaraha Man City ayaa sheegay in uu jacayl waali ah u qabo kooxda Barcelona isla markaas uuna doonayn in uu ka hor yimaado kooxda tartanka champions League.

“Wan jecelahay Barcelona, waliba si aad ah sidaas darteed ma doonayo in aan ka hor yimaado Champions League”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga