Pep Guardiola Oo Ka Warbixiyay Xaalada Erling Haaland Kadib Markii Uu Dhaawac Ku Seegay Kulanka Chelsea.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka warbixiyay Xaalada weeraryahankiisa Erling Haaland.

Haaland ayaa seegay kulanka ay Man City la ciyaarayso chelsea Semi-Final-ka tartanka FA Cup-ka.

Seegista Haaland ee kulanka ayaa imanaysa kadib markii uu xiddigu dhaawac uga baxay kulankii Champions League ee bartamihii todobaadka.

Xiddiga Haaland ayaa seegay kulanka adag ee ay kooxdiisu la ciyaarayso kooxda Chelsea Semi-final-ka FA Cup-ka.

“Haaland wuu dhaawacmay. Uma maleynayo in uu dhaawac halis ah yahay laakiin maanta ma awoodin in uu ciyaaro”.

“Haatan, Ma garanayo inuu ku soo laaban doono kulanka soo socda iyo in kale”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga