Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa ku adkaystay in kooxdiisu weli ku jirto tartanka ku guuleysiga horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan.
Tababaraha Isbaanishka ah ayaa xusuusiyay cid kasta oo danaynaysa in uu yahay macallinka ugu muddada dheer Premier League-ka ka hawlgala, isla markaana leh waayo-aragnimada loo baahan yahay si uu u dagaallamo ilaa dhamaadka.
Guardiola wuxuu sidoo kale ku celceliyay dadka shaki gelinaya in uu dhowr jeer Premier League ku qaaday isagoo ka soo daba yimid, isaga oo aan diidin in Arsenal aad u xoog badan tahay.
Guushii Manchester City ee 5-4 ahayd ee ay Fulham ku garaaceen salaasadii ayaa yaraysay farqiga u dhexeeya iyaga iyo Arsenal oo gaarsiisay laba dhibcood.
Arsenal ayaa ciyaaraysa Brentford caawa, iyagoo fursad u haysta inay soo ceshadaan hoggaankooda shanta dhibcood ah.
“Arsenal aad bay u xoog badan tahay, u xasiloon tahay,” Guardiola ayaa yiri kaddib guushii City ee Fulham.
“Waan ogahay waxa aan u baahanahay inaan sameyno, waan ogahay haddii aan dhibco lumino inay aad u adkaan doonto. Waa inaan maskaxdeena galinaa in ay adkaan doonto, laakiin isla markaas Premier League waa mid aad u dheer.
“Waxaan idiin ballanqaadayaa in aan ahay tababaraha ugu duqsan Premier League-ka, waana haystaa waayo-aragnimo igu filan si aan u badino kulamo badan oo aan ugu dagaallamo inaan ku guuleysano Premier League. Waa horyaal aad u dheer.”
Be the first to comment