Pep Guardiola Oo Calaamadsaday Badalka Kyle Walker.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso ciyaaryahankeedii hore haatana u ciyaara kooxda Bayer Leverkusen Jeremie Frimpong si uu u noqdo bedelka Kyle Walker.

Citizens ayaa haatan ku jirta kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka premier League iyaga oo shan dhibcood ka dambeeya kooxda hogaanka haysa ee Liverpool iyada oo kooxda horyaalka haysa laga badiyay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Tababare Pep Guardiola ayaan hore waligiis guuldaro u soo gaadhin afar kulan oo xidhiidh ah, laakiin kooxdiisa ayaa u muuqatay kuwo si aan caadi ahayn ugu nugul dhinaca daafaca gaar ahaan marka lagu qaadayo weeraro rogaal celis ah.

Daafacyada uu ka mid yahay Walker ayaa dhaleeceyn la kulmay xilli ciyaareedkan, iyadoo daafaca midig uu ku dhibtooday weeraryahanada tooska ah kulamadii Bournemouth iyo Fulham.

La yaab ma noqon doonto haddii Guardiola uu suuqa January ka xoojiyo kooxdiisa, Football Insider ayaana haatan sheegeysa in City ay u aragto 23 jir Frimpong inuu yahay saxiix ku habboon oo lagu bedeli karo 34 jirka reer England.

In kasta oo Walker uu ku guuleystay koobab badan intii uu joogay Manchester, sidoo kalena uu si joogta ah uga hoos shaqeeyay Gareth Southgate ee xulka qaranka England, haddana waxa muddo dheer la iswaydiiyay awoodda uu daafaca midig u leeyahay inuu wax ku biiriyo weerarka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga