
Pep Guardiola ayaa ku tilmaamay Arsenal inay tahay “kooxda ugu adag” Yurub ka hor kulanka Premier League ee ay la ciyaarayaan Manchester City Axadda.
Arsenal Iyo Man City ayaa kulanka soo galaya iyaga oo badiyay kulamadii champions League ee bartamihii todobaadka.
City ma aysan awoodin inay Arsenal ka adkaato afartii kulan ee ugu dambeeyay, waxayna guuldarro 5-1 ah kala kulmeen Gunners bishii February.
Guardiola wuxuu rumeysan yahay in ciyaartaas ay City “u fududeysay” Arsenal, hase yeeshee wuxuu ammaanay Arteta, isagoo sheegay inuu dhisay mid ka mid ah kooxaha ugu adag Yurub.
Markii la weydiiyay haddii uu dib u daawaday guuldarradii culus ee City ay kala kulantay Arsenal xilli ciyaareedkii hore, Guardiola wuxuu yiri:
“Ciyaartii xilli ciyaareedkii hore waxay noogu bilaabatay sida marar badan oo kale xilli ciyaareedkii hore — sidii koox U14 ah (da’yarta 14-jirka ah), waxaan bixinay goolal malaayiin ah. Intaas ka dibna, muddo badan ciyaarta si wanaagsan ayaan u ciyaarnay marka la eego heerkeennii xilli ciyaareedkii hore. Laakiin 15 ama 20-kii daqiiqo ee ugu dambeysay waxay ahayd masiibo.”
“Waxaan illoownay inaan sameyno wixii nalaga rabay, qof walbana wuxuu samaynayay wax uu isagu rabo, taas kaddibna Arsenal way u fududaatay ciyaarta.”
“Rajada ayaa ah in xilli ciyaareedkan aan tartan xooggan ka dhigno marka loo eego sanadihii u dambeeyay, sababtoo ah Mikel waa tababare cajiib ah, waxa ayna ku guuleysteen inay si weyn u xoojiyaan kooxda afar ilaa shan suuqa kala iibsiga ee ugu dambeeyay.”
“Waa koox aan la rumeysan karin, koox aad u adag — waa mid ka mid ah kooxaha ugu adag ee aad ka heli karto Yurub waqtigan la joogo.”
Be the first to comment