Khadka dhexe ee Barcelona, Pedri, ayaa shaaciyay ciyaaryahanka uu jeclaan lahaa inuu ka soo qaato kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka El Hormiguero kaddib soo laabashadiisii dhaawaca, ciyaaryahanka 23-jirka ah ee xulka Spain ayaan ka labalabeyn inuu magacaabo Mbappe.
“Haddii aan ka soo qaadan karo hal ciyaaryahan oo Real Madrid ah si uu ugu biiro Barcelona, yaa noqon lahaa? Kylian Mbappe,” ayuu yiri Pedri.
Mbappe, oo ku biiray Real Madrid sanadkii 2024 kaddib markii uu ka soo dhaqaaqay Paris Saint-Germain, ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan.
27-jirkan ayaa hoggaaminaya gooldhalinta horyaalka LaLiga iyo sidoo kale Champions League.
Ilaa hadda, Mbappe wuxuu dhaliyay 23 gool LaLiga ah iyo 13 gool oo Champions League ah xilli ciyaareedkan.
Be the first to comment