Paul Scholes Oo Su’aal Galiyay Saxiixa Arsenal Ee Victor Gyokeres

Ciyaaryahankii hore ee Manchester United, Paul Scholes, kuma qanacsana in weeraryahanka cusub ee Arsenal Viktor Gyokeres uu ahaa dooqa koowaad ee Mikel Arteta.

Scholes ayaa hadda su’aal ka keenay haddii 27-jirka uu ku habboonaan doono qaab ciyaareedka cusub ee kooxda Arsenal.

Gyokeres ayaa noqday saxiixii Gunners xagaagan ka dib markii ay ka soo bixiyeen 65 milyan oo euro.

Xiddiga reer Sweden oo dhaliyay 97 gool 102 kulan oo uu ciyaaray intii uu joogay Portugal ayaa kooxda Arsenal u xidhan doona lambarka 14-aad ee uu caanka ku yahay halyeey Thierry Henry.

“Arsenal waxay u baahneyd weeraryahan dhexe, kaliya waxaan is waydiinayaa haddii ay doorteen midka saxda ah,” Scholes ayaa ku yiri doodda taageere ee is-dhaafsan.

“Waxan is waydiinayaa hadii uu Mikel Arteta doonayay saxiixa xiddiga” Ayuu sii raaciyay.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga