Laacibkii hore ee khadka dhexe ee Manchester United, Paul Scholes, ayaa sheegay in aysan jirin koox ku qancisay inay mudan tahay inay ku guuleysato Premier League xilli-ciyaareedkan.
Scholes ayaa hadalkan sheegay isagoo ka hadlayay qeybtii ugu dambeysay ee podcast-ka The Good, The Bad & The Football.
Arsenal ayaa hadda hoggaanka horyaalka haysa, iyagoo shan dhibcood ka sarreeya Manchester City.
Si kastaba, Scholes wuxuu sheegay in horyaalku uusan sanadkan cidna siin koobka, maadaama uusan ku qancin waxqabadka kooxaha tartamaya.
Wuxuu yiri:“Ma jirto koox Premier League ah oo i qancisay inay mudan tahay inay ku guulaysato horyaalka”
“Waxaan u maleynayaa inaysan sanadkan koobka bixin. Ma jirto koox si dhab ah u mudan.”
Be the first to comment