Paul Scholes Oo Sharaxay Sababta Ayna Arsenal Ugu Guulaysan Doonin Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Paul Scholes ayaa Manchester City u arkay inay yihiin kuwa ugu cadcad inay ku guuleystaan horyaalka Premier League ka hor Arsenal.

Kooxda Mikel Arteta ayaa Sabtidii habeenkii la ciyaartay Sunderland ku dhameysatay barbaro 2-2, taas oo u saamaxday City inay soo yareeyaan farqiga dhibcaha ay ka dambeeyaan Arsenal kadib markii ay 3/0 ku garaaceen Liverpool.

Aqoonta City ee ku saabsan hanashada horyaalka Premier League ayaa la su’aalay bishii August kadib labo guuldarro oo xiriir ah oo ay la kulmeen Tottenham iyo Brighton.

Laakiin tan iyo markaas, kooxda Pep Guardiola ayaa ku guuleysatay lix ka mid ah siddeedda kulan ee xiga, waxaana laga hor istaagay inay seddex dhibcood ka helaan Arsenal kadib goolkii Martinelli ee waqtigii dhimista.

“Anigu kuma qancin qaab ciyaareedka Man City bilowgii laakiin kulankii Liverpool ay la ciyaareen waxan u malaynayaa in aan markii ugu horaysay dareemay in ay u tartamayaan horyaalka premier League”ayuu Scholes yidhi.

“Waxaan u maleynayaa inay weli yihiin kuwa ugu cad-cad marka loo bar-bar dhigo Arsenal sababta oo ah khibrad ay u leeyihiin”.

“Waan ogahay in Arsenal ay afar dhibcood hogaanka hayaan, laakiin iyadoo la eegayo waayo-aragnimada ay leeyihiin Iyo in ayna Arsenal lahayn khibradaas waa in aad Man City ka dhigto kuwo ugu cad-cad”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga