Paul Scholes Oo Saadaaliyay Kulanka Man United Iyo Liverpol

Halyeeyga Manchester United, Paul Scholes, ayaa saadaaliyay ciyaarta Premier League ee u dhaxeysa kooxda Red Devils iyo Liverpool.

Liverpool ayaa soo dhoweyn doonta kooxda uu layliyo Ruben Amorim garoonka Anfield kaddib fasaxa caalamiga ah, kaddib guuldarradii 2-1 ay kala kulmeen Chelsea.

Si kastaba ha ahaatee, Scholes ayaa aaminsan in kooxda uu hoggaamiyo Arne Slot ay ka adkaan doonto Man United, isagoo sheegay in kulankaasi uu yahay “mid la saadaalin karo.”

Isagoo ka hadlayay barnaamijka The Overlap Fan Debate, Paul Scholes ayaa yiri:

“Amorim waa inuu isku dayaa inuu wax kasoo helo Liverpool marka ay tagaan Anfield.

“Ma xasuusto waqtigii ugu dambeeyay ee Manchester United ay guul ka gaarto kulan weyn.

“Kooxdan ciyaartoyda ah ee [Manchester United] waxay ku jiraan xaalad aad u liidata oo runtii aysan jirin wax kalsooni ah oo laga qabo inay ka baxaan.

“Waxay si dhowna u tahay wax la saadaalin karo in [Manchester United] ay Anfield tagto oo ay guuldarreysato [ay ka badiyaan Liverpool].”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga