Paul Scholes, halyeyga Manchester United, ayaa ku tilmaamay saxiixa goolhaye Gianluigi Donnarumma ee Manchester City, oo ka yimid Paris Saint-Germain, inuu yahay heshiigii ugu fiicnaa suuqa kala iibsiga xagaagan.
Suuqa kala iibsiga xagaaga Yurub ayaa xirmay habeenkii Isniinta.
Ciyaartoy dhowr ah oo ay ka mid yihiin Donnarumma, Alexander Isak, Samuel Chukwueze, Victor Boniface, Jadon Sancho iyo kuwo kale ayaa u wareegay kooxo cusub.
Donnarumma ayaa ku biiray Manchester City maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga, iyadoo lagu waramayo inuu ku kacay £26 milyan.
Paul Scholes ayaa aaminsan in Donnarumma uu yahay saxiixii ugu weynaa ee suuqa xagaaga.
“Donnarumma oo lagu helay £26m waa inuu noqdaa saxiixii ugu muhiimsanaa suuqa… dabcan marka laga reebo 14-ka ciyaaryahan ee Salford City ay saxiixeen,” ayuu Scholes yiri, sida laga soo xigtay The Daily Mail.
Be the first to comment