Paul Merson Oo Weerar Ku Qaaday Xiddig U Ciyaara Arsenal.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay khaladaadkii keentay in rajada Arsenal ee horyaalka ay dhirbaaxo la kulanto.

Laba khalad oo ay sameeyeen Thomas Partey Iyo Mikel Merino ayaa ka caawisay Aston Villa in ay ku soo laabato ciyaarta kana dhigto 2/2.

Halyeeyga Arsenal ee Paul Merson ayaa weerar culus ku qaaday Partey sabab la xidhiidha khaladkii uu sameeyay goolkii uu Ollie Watkins dhaliyay.

“Ma garanayo waxa uu Partey ku fikirayo, ciyaartoyada qaar ayaa hoos u dhigay Arteta”.

“Thomas Partey waxa uu u soo ciyaaray Atletico Madrid oo ah kooxda ugu daafaca fiican mana samayn kartid waxaas oo kale”.

“Waxaas kaama caawinayo ku guulaysiga horyaalka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga