Paul Merson Oo Tilmaamay Wakhtiga Lagu Kala Bixi Doono Premier League.

Paul Merson ayaa saadaaliyay in tartanka horyaalka Premier League uu “dhammaan doono” toddobaadkan, isagoo aaminsan in Arsenal ay sii wadi doonto guulaheeda halka Manchester City ay dhibco lumin karto.

Arsenal oo doonaysa inay ku guuleysato horyaalka Premier League markii ugu horreysay 22 sano gudahood, waxay hadda ku hogaaminaysaa jadwalka 7 dhibcood ka hor kulamada toddobaadkan.

Arsenal waxay Everton ku soo dhaweyn doontaa garoonka Emirates Stadium maalinta Sabtida, halka Manchester City ay isla maalintaas marti u noqon doonto West Ham.

Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta waxay muujiyeen calaamado tabar-darro bishii hore markii ay dhibco lumiyeen laba kulan oo isku xiga oo ay la ciyaareen Brentford iyo Wolves.

Natiijooyinkaas ayaa sababay in taageerayaasha kooxaha kale ay si degdeg ah ugu yeeraan “bottlers” (koox cadaadis ku jabta) Arsenal.

Si kastaba, dhinaca difaaca Arsenal, waxay si fiican uga jawaabeen arrintaas iyagoo ku guuleystay saddex kulan oo isku xigta oo horyaalka ah, iyagoo garaacay kooxaha London ee Tottenham iyo Chelsea, ka hor intaanay si dirqi ah uga adkaan Brighton.

Arsenal waxay u baahdeen rigooro daqiiqadihii dambe uu dhaliyay Kai Havertz si ay u helaan barbaro 1-1 ah oo ay la galeen Bayer Leverkusen lugta hore ee wareegga 16-ka ee Champions League habeenkii Arbacada.

Paul Merson wuxuu qirtay in kooxdiisii hore ay “nasiib lahaayeen” inay natiijadaas ku soo laabtaan waqooyiga London kulanka lugta labaad, laakiin wuxuu filayaa in Arsenal ay dib ugu soo laaban doonto guul marka ay la ciyaarayso Everton.

Paul Merson ayaa u sheegay Sportskeeda:”Everton waa koox yaab leh. Mararka qaar waxay bannaanka (away) ku ciyaaraan kubbad aad u wanaagsan, sidoo kale way adag tahay in lagu garaaco marka ay safar ku jiraan”

‘Waa wax lala yaabo sida mararka qaarkood si xun loo garaaco inta lagu jiro ciyaarta, haddana ay natiijo helaan”

“Arsenal toddobaadyadii ugu dambeeyay si fiican uma ciyaarin, runtii nasiib ayay lahaayeen inay barbaro ka helaan Bayer Leverkusen. Kubaddooda ma ahan mid si xor ah oo socod fiican leh loo ciyaaro.’”

“Waan filayaa in Arsenal ay aad uga xoog badnaan doonto Bayer Leverkusen marka ay ku ciyaaraan garoonka Emirates Stadium, laakiin hadda wali wax yar ayaan ka walwalsanahay iyaga. Haddii barbarahaas uu ahaan lahaa kulan horyaalka ah, dhibaato ayay geli lahaayeen”

“Kani wuxuu noqon doonaa kulan adag oo Arsenal ah. Dhibka kaliya ee aan ka qabo Everton waa inaysan weli soo bandhigin ciyaar buuxda oo 90-daqiiqo ah iyagoo guuleysanaya”

“Waxay si fiican u ciyaaraan kaliya qaybo ka mid ah ciyaarta. Haddii ay hoos u dhacaan xitaa 30 ama 45 daqiiqo marka ay la ciyaarayaan Arsenal, markaas ciyaartu way dhammaanaysaa”

“Waxaan filayaa kulan adag oo isku dhow, laakiin Arsenal inay si dirqi ah ku badiso 2-1.”.

Paul Merson wuxuu aaminsan yahay in haddii Manchester City ay mar kale dhibco lumiyaan marka ay la ciyaarayaan West Ham United, ay taasi gebi ahaanba soo afjari doonto rajadooda ku guuleysiga horyaalka.

Wuxuu sidoo kale saadaaliyay in natiijadaas ay dhab ahaan dhici doonto, maadaama West Ham ay si weyn u soo fiicnaadeen waqtiyadii dambe.

“Ka dib guuldarradii ay kala kulmeen Real Madrid, ciyaartani waxay noqotay mid aad ugu adag Manchester City. Natiijadaasi runtii waxay ahayd mid aan la filayn, miyaanay ahayn”

“Anigu marar badan ayaan daawadaa Real Madrid, waana taageere weyn oo kooxdaas ah, laakiin run ahaantii ma aanan filayn natiijadaas inay dhacdo.”

“Haddii Manchester City aysan garaacin West Ham United toddobaadkan, halka Arsenal ay ka adkaato Everton, markaas tartanka horyaalka waa dhammaaday! Sidaas darteed tani waa toddobaad aad u weyn oo u soo socda City”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga