
Paul Merson ayaa ka cabsi qaba in Cole Palmer uu ku dhibtoon doono inuu dib u helo qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa halka Nicolas Jackson uu wali dhaawac ku maqan yahay.
Xiddiga reer England ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed liita kulankii ay Blues guuldarada kala kulantay Brighton.
Palmer ayaa si cajiib ah ku bilowday illi ciyaareedkan laakiin kulamadii ugu dambeeyay ayuu si weyn u dhibaatooday.
Jackson ayaa dhaawac kaga maqan kooxda Chelsea Merson ayaana rumaysan in Palmer uu tabayo xiddiga ay iska garab ciyaaraan.
“Chelsea waxa ay tabaysaa Jackson”ayuu Merson yidhi.
“Palmer ayaa qaab ciyaareed fiican ka soo saara Jackson, Jackson-na waxa uu qaab ciyaareed fiican ka soo saaraa Palmer”.
Be the first to comment