Halyeeygii hore ee Arsenal Paul Merson ayaa saadaaliyay in Chelsea ay ka sare mari doonto kooxda Manchester City ee Pep Guardiola marka la gaaro dhammaadka xilli-ciyaareedkan Premier League.
Merson sidoo kale wuxuu sheegay in Arsenal ay weli si fudud u hanan karto horyaalka.
Arsenal ayaa hadda hoggaanka u haysta Premier League, iyadoo Manchester City ku jirto kaalinta labaad, halka Chelsea ay ku jirto kaalinta saddexaad kaddib 13 kulan.
Isagoo la hadlay Sportskeeda, Paul Merson wuxuu yiri:
“Ma arko cid taaban karta Arsenal oo ka tuuri karta hoggaanka miiska Premier League.
“Haddii Arsenal si fiican u daryeesho ciyaartoydooda, waxaan aaminsanahay inay si fudud u hanan karaan horyaalka xilli-ciyaareedkan.
“Markaan fiiriyo kooxda Chelsea, hubaal way awoodaan inay Manchester City ka sarre maraan xilli-ciyaareedkan.”
Be the first to comment