Paul Merson Oo Saadaaliyay Kulanka Arsenal Iyo Newcastle.

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa saadaaliyay kulanka ay Arsenal booqan doonto kooxda Newcastle.

Kooxda Arsenal ayaa booqan doonta Newcastle kulan ka tirsan premier League todobaadkiisii 6-aad.

“Newcastle mar walba si fiican bay uga hortagaan Arsenal. Taageerayaasha garoonka St James’ Park mar walba waa kuwo fiican, laakiin marka ay ciyaarayaan Arsenal, jawigu wuxuu noqdaa mid kor u kaca oo aad u kor u kacsan! Arsenal waxay guuldarro kala kulantay saddexdii kulan ee ugu dambeysay ee ay halkaas ku ciyaartay, sidaas darteed waa ciyaar adag oo ku horreysa”.

“Haddii Liverpool lagu qabto barbaro markay la ciyaarayaan Crystal Palace, Arsenal ma dhibeyso inay hal dhibic kala baxaan kulankan. Laakiin haddii kooxda hogaanka haysa ay helaan saddex dhibcood oo kale, markaa ciyaartan si toos ah ayay ugu noqoneysaa mid ay qasab ku tahay inay badiso”.

“Kulankan kadib Arsenal waxa ay la ciyaartay Kooxaha Liverpool, Manchester City iyo Newcastle. Bal ka warran inaad lacag badan ku bixiso kooxdaada, haddana aadan ka adkaan midkoodna kooxahan oo dhammaantood ku dhammaatay shanta sare xilli ciyaareedkii hore? Halkee ayuu horumarku markaas ka jiraa”.

“Arsenal waxay leeyihiin kulamo sahlan oo soo socda kadib ciyaartan. Laakiin haddii aadan Newcastle ka badin, waxaad si dhab ah ugu bilaabaysaa jadwalkaas adigoo leh 8 dhibcood oo aad u baahan tahay inaad kasoo ceshato” “Haddii aad tahay koox u tartamaysa horyaalka ma fiicna in aad baacsatid kooxda kaa horaysa marka ay kulamada fudud yimaadaan laakiin waa in aad kulamadaas u istcimaasho in aad ka fogaato kooxda kula tartamaysa”.

“Arsenal ma ahan in ay daafac ku bilaabato ciyaarta hadii kale Newcastle way dhalinaysaa, Aniga ahaan, waxaan kusoo bilaabi lahaa Saka, Eze iyo Viktor Gyökeres saddexda weeraryahan ee hore, laakiin si daacad ah uma filayo in Arteta sidaas sameeyo. Waxaan filayaa in Gabriel Martinelli uu bilaabi doono halkii Eze. Waa ciyaaryahan nidaamsan oo xawaare leh, waana mid faa’iido leh. Laakiin Eze waa ciyaaryahanka farqiga sameeya — wuxuu awood u leeyahay inuu difaacyada jebiyo, sida uu ka muujiyay kulankii City”.

“Waxaan aragnay sida Newcastle si adag ula dagaallantay Liverpool iyadoo kaliya 10 ciyaartoy ku haysay garoonka St James’ Park horaantii xilli ciyaareedkan. Liverpool waxay nasiib u yeesheen inay halkaas guul kala soo baxaan”.

“Liverpool waxay nasiib u yeesheen inay guul ka helaan kulankaas. Haddii aad tahay Arsenal, waxaad rabtaa inaad la mid noqoto wixii ay Liverpool halkan ka qabatay, laakiin anigu ma rumeysanin inay taas awoodi karaan”.

“Kulankan waxa uu ku dhamaan doonaa bar-baro 1/1 ah”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga