Paul Merson Oo Saadaaliyay Final-ka Champions Legaue

Paul Merson, oo horey uga tirsanaan jiray Arsenal, ayaa saadaaliyay in laba kooxood oo Premier League ah ay gaari doonaan finalka UEFA Champions League xilli-ciyaareedkan.

Wuxuu sheegay in uusan la yaabi doonin haddii finalka Champions League uu noqdo mid Ingiriis oo keliya, haddii isku-aadka wareegyada bug-baxa uu u janjeero dhinaca kooxaha Ingiriiska.

Merson ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii la soo gabagabeeyay kulamadii Champions League ee toddobaadkan.

Waqtigan xaadirka ah, marka laga reebo Manchester City, kooxaha sida Arsenal, Newcastle United, Tottenham Hotspur, Liverpool iyo Chelsea dhammaantood waxay ku jiraan siddeedda sare ee jadwalka Champions League.

“Ma jirto tartan u adag sida Premier League,” ayuu Merson ku yiri Sportskeeda.

“Liverpool oo si sahlan ugu garaacday Marseille Champions League waa caddeyn taas muujinaysa.”

“Marka laga reebo Manchester City, shanta kooxood ee kale ee Ingiriiska ah dhammaantood waxay ku jiraan siddeedda sare ee jadwalka Champions League.”

“Xitaa lama yaabi doono haddii finalku noqdo mid Ingiriis oo keliya xilli-ciyaareedkan, haddii isku-aadku u hiiliyo kooxaheenna,” ayuu yiri.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga