
Paul Merson ayaa ku booriyay Arsenal inaysan ceyrin Mikel Arteta, laakiin wuxuu saadaaliyay in kooxdiisii hore ay ku guuldareysan doonto inay ku guuleysato koob xilli ciyaareedkan.
Arsenal ayaan wax koob ah ku guulaysan tan iyo koobkii FA Cup-ka ee 2020 kadib markii ay ku dhawaadeen horyaalka premier League labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay dad badan ayaa saadaaliyay in abaartu ay soo afjari doonto xilli ciyaareedkan.
Laakiin bishii hore oo kaliya ayaa laga reebay koobka FA Cup-ka iyaga oo guuldaro kala kulmay Man United halka ay sidoo kale Carabao Cup-ka kaga hadheen Semi-final-ka.
Waxaa intaa dheer, waxa ay Liverpool ka dambeeyaan tartanka horyaalka Premier League lix dhibcood, taasoo ka sii dari karta marka ay Reds ciyaarto kulankeeda gacanta ay ku hayso kooxda ay xafiiltamaan ee Everton toddobaadka soo socda.
Merson ayaa shaki weyn ka qaba in kooxda Arteta ay kor u qaadi doonto koobabka xilli ciyaareedkan, isagoo sheegay in Tababaruhu uu lumiyay fursad dahabi ah.
“Waxa ay ku hadheen laba koob oo ay ku guulaysan karaan, mid waxa ay ka hadhi karaan Arbacada”ayuu yidhi Merson.
Haddii Liverpool ay ku badiso Everton, waxa ay 9 dhibcood ka sarayn doontaa Arsenal, 15 kulan ayaa u dhiman Liverpool waxana ay u baahantahay in laga badiyo 4 kulan taasina suurtagal ma ahan”.
“Waxa aan u saadaalin lahaa champions League laakiin waxa aan Arkay Newcastle oo bur-burisay waxana ku jira tartanka kooxo badan oo ka fiican sidaas darted suurtagal uma muuqato”.
Be the first to comment