Paul Merson Oo Man United U Sheegay Tababaraha Ayna Magacaabin Si Uu U Badalo Amorim.

Halyeeyga Arsenal, Paul Merson, ayaa digniin culus u diray Manchester United, isagoo uga digay inay khalad weyn sameyn doonaan haddii ay Ruben Amorim ku beddelaan tababaraha Crystal Palace, Oliver Glasner.

Ruben Amorim — oo hore u maamulay Sporting CP — ayaa xilli ciyaareedkii hore la wareegay Manchester United, balse haatan wuxuu wajahayaa cadaadis weyn kadib bilaabasho aad u liidata oo ay kooxdu ku bilaabatay.

“Amorim wali fursad ha la siiyo, laakiin haddii ay United u wareegto Glasner, waxay noqon doontaa talaabo gadaal u dhac ah.”

Waxaa xusid mudan in Amorim uusan weli kooxda ku hogaamin guulo xiriir ah (back-to-back wins), halka guuldarradii 3-1 ee ay kala kulmeen Brighton toddobaadkii hore ay sii xoojisay shakiga laga qabo awooddiisa hoggaan.

Merson wuxuu rumeysan yahay in dhibaatooyinka United aysan ku xirneyn beddel tababare oo degdeg ah, balse ay u baahan yihiin xasillooni iyo qorshe fog.

Wararka ka imaanaya Old Trafford ayaa sheegaya in Manchester United ay diyaarinayso liiska magacyada tababarayaal beddeli kara Ruben Amorim, iyadoo mid ka mid ah magacyadaas uu yahay Oliver Glasner, tababaraha Crystal Palace.

Si kastaba ha ahaatee, halyeeyga Arsenal, Paul Merson, ayaa si cad u sheegay inuusan u arkin Glasner mid ku habboon shaqada Manchester United, isagoo talo u jeediyay maamulka kooxda inuu meel kale ka eego.

Merson ayaa u sheegay Sky Sports:

“Haddii aan dhahno Ruben Amorim hadda waa tababaraha Palace, wuxuu haystaa fursad uu ku guulaysto”.

“Palace waxay haystaan ciyaartoy awood u leh inay ciyaaraan saddexda daafac dhexe. Qaabkooda ciyaareed wuu la jaanqaadaa nidaamkaas.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Taasi waa sababta aan uga walwalsanahay Glasner haddii uu tago Man Utd. Wuxuu ku caan baxay ciyaarista saddex-daafac dhexe, taasoo si cad u ah nidaam aan shaqeynaynin marka laga eego ciyaartoyda ay United heysato. Glasner ma aha nin ku habboon Man Utd.”

“Dabcan, wuu noqon karaa tababare la qabsada xaalado cusub, wuu muujiyay in uu si wanaagsan ula macaamilo ciyaartoyda, laakiin nidaamka uu adeegsado gabi ahaanba waa mid khaldan oo aan u dhigneyn Man United. Amorim qudhiisa wuu kuu sheegi karaa taas.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga