Paul Merson Oo Badalay Saadaashiisa Champions League.

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa durba badalay saadaal uu ka Sameeyay tartanka UEFA Champions League, UCL, semi-finalka iyo finalka.

Paris Saint-Germain ayaa wajihi doonta Arsenal lugta labaad ee semi-finalka Champions League usbuuca soo socda magaalada Paris, halka Inter Milan ay San Siro ku martigelin doonto Barcelona.

Kooxda Faransiiska ka dhisan ee Ligue 1 ayaa 1-0 kaga badisay Arsenal lugtii hore ee semi-finalka horaantii isbuucaan, halka Inter iyo Barça ay ku kala baxeen barbaro 3-3 ah.

Si kastaba ha ahaatee, Merson ayaa ka hor kulamadii lugta hore ee semi-finalka, u saadaaliyay Arsenal inay gaadhi doonto finalka Champions League oo ay sidoo kale qaadi doonto koobka.

Laakiin ka dib markii uu daawaday kulamadii lugta hore ee semi-finalka Champions League, Merson wuxuu hadda u saadaaliyay labada kooxood ee PSG iyo Inter Milan inay gaaraan finalka Champions League dhamaadka bishaan.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku taageeray kooxda Serie A inay ku guuleysato Champions League xilli ciyaareedkan.

Isagoo la hadlayay Sportskeeda, Merson ayaa yiri: “Arsenal shaqo weyn ayaa u taala kulanka lugta 2-aad ka dib guuldaradii 1-0 ee ka soo gaartay Emirates, haatan waa inay soo baxaan oo ay waqti hore gool ku dhaliyaan Parc des Princes.

“Arsenal waxa ay ku badisay garoonka Bernabeu sababtoo ah Real Madrid waxa ay ku qasbanaatay in ay goolal raadiso PSG ma sameyn doonto isbuuca soo socda, hadii aan runta sheego kooxda reer France ayaa ugu cadcad in ay gaadho Final-ka”.

Merson oo ka hadlaya kulanka kale ee semi-finalka ayaa ku daray: “Barcelona waxa ay u ciyaari doontaa hal wado oo kaliya, waana kubad weerar toos ah taas ayaana Inter caawin doonta in ay qaado weerarka rogaal celis ah”.

“Waxa aan qabaa in ay ku dhamaan doonto ciyaartu bar-baro 2/2 ah waxana lagu kala bixi doonaa rikoodhayaal ay ku badin doonto Inter”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga