Paul Merson Oo Arsenal U Sheegay Koox Ay Ka Walaacdo Champions League Kadib Guuldaradii Final-ka Carabao Cup-ka.

Paul Merson ayaa ka walaacsan rajada Arsenal ee Champions League kadib guuldarro uu ku tilmaamay mid “aad u welwel badan” oo ka soo gaartay Manchester City final-kii Carabao Cup.

Arsenal waxay rajeynaysay inay ku guuleysato koobkoodii ugu horreeyay tan iyo 2020 ciyaartii ka dhacday Wembley, balse waxaa looga adkaaday 2-0 oo ay ka heleen kooxdooda kula tartamaysa horyaalka.

Qaybtii hore ee ciyaarta wax badan lama kala saarin, iyadoo labada kooxood ay si taxaddar leh u ciyaarayeen. Si kastaba, Manchester City ayaa si buuxda u maamushay qaybtii labaad, iyadoo labo gool oo uu dhaliyay Nico O’Reilly ay xaqiijiyeen guul raaxo leh.

Merson wuxuu sheegay in kooxda uu hoggaamiyo Pep Guardiola ay Arsenal siisay “cashar kubadeed” Wembley, wuxuuna ka cabsi qabaa in guuldarradan ay si weyn u dhaawacdo kalsoonida kooxda, taasoo saameyn karta rajadooda tartanka Champions League.

Inkasta oo Arsenal ay seegtay koobkii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedka, haddana wali waxay leeyihiin hammi ah inay gaaraan saddex  ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.

Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa 9 dhibcood ku hoggaamineysa horyaalka Premier League, waxayna isku diyaarinayaan wareegga sideed dhammaadka Champions League oo ay la ciyaarayaan Sporting CP iyo sidoo kale wareegga sideed dhammaadka FA Cup oo ay la kulmayaan Southampton.

Paul Merson ayaa aaminsan in Arsenal ay weli ku guuleysan doonto horyaalka, balse wuxuu rumeysan yahay in taasi ay noqon doonto koobka kaliya ee xilli ciyaareedkan gaari doona Emirates Stadium.

Arsenalayaa ku jirta dhinac ka duwan isku aadka Champions League marka loo eego kooxaha ugu cadcad sida Paris Saint-Germain, Bayern Munich iyo Real Madrid, balse waxaa suuragal ah inay la kulmaan Barcelona wareegga semi-finalka, halkaas oo Paul Merson uu aaminsan yahay inay noqon karto ciyaar hal dhinac u janjeerta.

Manchester City waxay si buuxda u soo baxday qaybtii labaad ee final-kii Carabao Cup, waxayna Arsenal siisay cashar kubadeed oo heer sare ah,” ayuu u sheegay Sky Sports.

“25 daqiiqo oo ka mid ah qaybtii labaad, cid ka tirsan Arsenal ma rabin kubadda. Waxay si fudud u tuurayeen kubadda, iyagoo dib ugu celinayay City. City-na way burburiyeen—si buuxda ayay u burburiyeen.”

“Waa guuldarro xanuun badan ku reebaysa Arsenal. Waa guuldarro dhaawacaysa kalsoonida, sababtoo ah marka aad qolka labiska gasho kadib ciyaartaas waxaad is leedahay: “qaybtii labaad si xun ayaa naloo burburiyay.’

“Ma saameyn doontaa Premier League? Arsenal aad bay uga fiican tahay kooxaha kale ee ay la ciyaari doonaan inta ka hartay xilli ciyaareedka, sidaas darteed way garaaci doonaan kooxahaas”

“Laakiin marka aad daawato ciyaartaas iyo gaar ahaan qaybtii labaad, ma arko Arsenal inay ku guuleysan karto wax kale marka laga reebo horyaalka Premier League,” ayuu yiri Paul Merson.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga