Patrick Vieira Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal Ee Ku Guulaysiga Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Patrick Vieira ayaa sheegay in Arsenal ay haatan joogto meel aad u wanaagsan oo ay ugu dambeyn ku dhamayn karto sugitaankeedii dheer ee hanashada horyaalka Premier League, kadib markii ay sameeyeen “bayaam cad oo xooggan” inta lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga.

Arsenal ayaa ku dhamaysatay kaalinta labaad saddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay ee uu Mikel Arteta hoggaaminayay kooxda, iyadoo Liverpool ay qaaday horyaalka xilli ciyaareedkii hore, ka dib markii Manchester City ee Pep Guardiola ay laba jeer oo isku xigta ku guuleysatay.

Si kastaba ha ahaatee, Gunners ayaa xaqiijisay in ay fasaxa caalamiga ah ee bishan u galeen iyagoo hal dhibic ku haya hogaanka horyaalka – iyagoo ka sarreeya Liverpool, kuwaas oo la kulmay caqabadohoodii ugu horreeyay tan iyo markii Arne Slot uu beddelay Jurgen Klopp.

Isbuucan, kooxda Mikel Arteta ayaa dib ugu laaban doonta ciyaaraha horyaalka iyagoo booqanaya kooxda Fulham oo si weyn ugu dhibban kalsooni darrida, kaddib laba guuldarro oo xiriir ah.

Laba ka mid ah magacyada waaweyn ee Arsenal, Bukayo Saka iyo Declan Rice, ayaa goolal dhaliyay kulankii ugu dambeeyay ee ay Gunners 2-0 kaga adkaadeen West Ham garoonka Emirates.

Guushaas ayaa sii xoojisay rajadooda horyaalka iyadoo kooxda waqooyiga London ay muujinayso joogto iyo awood dhab ah xilli ciyaareedkan.

Laakiin Martin Zubimendi, Viktor Gyökeres, Noni Madueke, Cristhian Mosquera, iyo Eberechi Eze ayaa iyaguna door muhiim ah ka ciyaaray tan iyo markii ay kusoo biireen kooxda xagaagii mashquulka badnaa ee isbeddellada badan lahaa – waxaana Patrick Vieira si weyn uga helay waxqabadkooda.

Vieira ayaa muujiyay in Arsenal ay si dhab ah u dhistay koox qoto dheer leh oo tayo sare leh, taasoo sare u qaadaysa fursadohooda ku aaddan hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

“Ma ogi in sannadkan uu yahay mid wanaagsan iyo in kale sababtoo ah Premier League-ku aad buu u tartan badan yahay,” ayuu yiri halyeygii hore ee Arsenal iyo kabtankii kooxda, Patrick Vieira, oo haatan ah tababaraha Genoa, mar uu la hadlayay Sky Sports.

“Waxaan aaminsanahay marka aad soo marto xilli ciyaareed, in aad u baahan tahay ciyaartoyga keydka si ay kuu caawiyaan,”

“Tani waa sababta Arsenal sannadkan ay fursado waaweyn u leeyihiin inay guulo gaaraan, maxaa yeelay ciyaartoyga keydka ayaa ciyaarta kuu beddeli doona,” ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga