Patrick Vieira Oo Magacaabay 5 Ciyaartoy Oo Aan Soo Bandhigin Qaab Ciyaareedkii Laga Filayay Kulankii Man United.

Patrick Vieira ayaa si gaar ah u tilmaamay shan ciyaaryahan oo Arsenal ah oo aan heerkii laga filayay ka soo bixin kulankii ay la ciyaareen Manchester United.

Arsenal ayaa la kulantay guuldarradeedii ugu horreysay ee garoonkeeda xilli-ciyaareedkan tartan kasta, kaddib markii gool qurux badan oo uu dhaliyay Matheus Cunha daqiiqaddii 87aad uu go’aamiyay ciyaar shan gool ah oo ugu dambayn guushu raacday Manchester United.

Gunners-ku waxay hoggaanka ciyaarta qabteen wax yar ka hor nus-saacii ciyaarta, kaddib gool iskiis isaga  dhaliyay Lisandro Martinez, balse waxay si fudud ugu hibeyeen Manchester United goolka barbaraha, ka hor intaysan dib u dhicin bilowgii qaybta labaad markii Patrick Dorgu uu shabaqa ku hubsaday gool cajiib ah.

Mikel Merino ayaa Arsenal u soo celiyay rajo ah inay hal dhibic helaan markii uu kubbadda ka faa’iidaystay koorno, hase yeeshee goolkii dambe ee Cunha ayaa la micno ah in kooxda Mikel Arteta ay hadda saddex kulan oo Premier League ah xiriir ah guul la’aan noqdeen.

Natiijadaas awgeed, hoggaanka Arsenal ee dusha sare ee kala sarreynta Premier League ayaa loo soo gaabiyay afar dhibcood, waxaana Vieira aaminsan yahay in kooxdiisii hore ay u baahnayd in ciyaartoydeeda ugu fiican ay heer sare soo bandhigaan.

Isagoo la hadlayay Sky Sports, Vieira wuxuu yiri:“Waxay weli u baahan yihiin inay ku noqdaan aasaaska ciyaarta, si xor ah u ciyaaraan una muujiyaan kartidooda marka ay weerarka yihiin. Waxaan u maleynayaa in awoodda dhabta ah ee kooxdan ay tahay abuurista fursado iyo dhalinta goolal.”

“Marka ay gurigooda joogaan, waa inay kubbadda ku noqdaan kuwo firfircooni leh, qaar ka mid ah ciyaartoyduna waa inay gaaraan heerkii ugu fiicnaa ee ay awoodaan”.

“Waxaan u maleynayaa in maanta ay jireen ciyaartoy aad u badan oo aan waxqabadkoodii la imaan. Waxay u ahayd kulan ay khasab ku ahayd inay badiyaan, sababtoo ah waxay ahayd mid muhiim ah in fariin la diro oo la yiraahdo: ‘waan rabnaa inaan guuleysanno, waxqabadkeennuna ha noqdo mid cad oo fariin u dira dhammaan kooxaha kale ee horyaalka.’”

Markii lagu cadaadiyay inuu magacyada ciyaartoyda Arsenal ee aan si wanaagsan u ciyaarin sheego, Vieira wuxuu magacaabay ku dhowaad kala bar kooxdii Arsenal ee ku bilaabatay kulanka sida Bukayo Saka, Leandro Trossard iyo Gabriel Jesus — sidoo kalena muu muujin wax qancin ah ka helin Martin Zubimendi ama Martin Odegaard midkoodna.

“Waxaan u maleynayaa in Saka uu aad u aamusnaa, isaga waa mid ka mid ah — haddii uusan ahaynba — ciyaartoyda weerarka ugu fiican ee kooxda, ciyaaraha waaweyn sida kan oo kale ahna waxaad ka filaysaa inuu qaado masuuliyadda kooxda isla markaana uu waxqabad la yimaado.

“Trossard isaguna waa ciyaaryahan muhiim ah, balse ma uusan soo bandhigin heerkii laga filayay”.

“Dhanka weerarka hore, waxaan u maleynayaa in Jesus uu ordayay si badan oo uu tamar badan bixiyay, balse waxaad rabtaa inuu noqdo mid feejigan oo diiradda saara inuu si badan ugu jiro gudaha sanduuqa goolasha.”

“Khaddka dhexe, waxaan u maleynayaa in kan keliya ee heerkiisa muujiyay uu ahaa Declan Rice. Waad arki kartaa inuu kubbadaha ku guuleysanayay, is-dhexgalka hal-ka-hal (1v1) ku adkaanayay, isla markaana uu keenayay tamar badan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga