
Xiddiga kooxda Arsenal ee Thomas Partey ayaa ku rajo weyn in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal kadib markii uu badalay go’aankiisa ku Aadan mustaqbalkiisa kooxda.
Partey ayaa galay sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Arsenal waxana soo baxay warar sheegaya in uu xiddigu go’aansaday in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Sida laga soo xigtay The Telegraph, Partey ayaa doonaya in uu sii joogo kooxda woqooyinga London isla markaas saxiixo heshiis cusub.
Partey ayaa la sheegayaa in uu doonayo in uu heshiis cusub oo 2 sano ah u saxiixo kooxda si uu u sii joogo Emirates.
Wali ma jiraan wax wadahadalo ah waxana jirta waddo dheer si heshiis buuxa loo gaadho dhamaan dhinacyada.
Be the first to comment