Ousmane Dembele Oo Digniin U Diray Liverpool Ka Hor Kulanka Wareega 16-ka Ee Champions League

Xiddiga qaab ciyaareedka fiican ku jira ee Ousmane Dembele ayaa uga digay Liverpool Ka Hor Kulanka champions league ee ay labada kooxood isaga Hor iman doonaan todobaadkan.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa fiican isaga oo dhaliyay 18 gool tan ilaa bilowgii sanadkan.

Kooxda PSG ayaa ka mid ah kooxaha ugu fiican yurub waxana ay garaaceen kooxda Man City kulan ka tirsanaa champions League.

PSG ayaa isku diyaarinaysa in ay la ciyaarto Liverpool waxana uu Demebele kalsooni ka qabaa Fursadaha Kooxdiisu ugu gudbi Karto wareega xiga ee tartanka.

“Si wanaagsan ayaan isugu diyaarineynaa waxa soo socda [Liverpool],” ayuu yiri Demebele.

“Tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka, [Luis Enrique] waxa uu noo sheegayay inaan ciyaarno kubad wanaagsan, qof walba ayaa ka qeyb galaya, hadday tahay ciyaartoyda khadka dhexe, daafacyada ama weerarka, qof walba wuxuu doonayaa inuu noqdo mid go’aan qaadasho leh”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga