Weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Ousmane Dembele ayaa ku booriyay kooxdiisa inay naxariis la’aan muujiyaan kulanka lugta labaad ee wareegga 16-ka ee UEFA Champions League marka ay la ciyaarayaan Chelsea Talaadada.
Kooxda uu hoggaamiyo Luis Enrique ayaa si weyn loogu saadaalinayaa inay si fudud ugu gudbi doonto quarter-finalka, kadib markii ay 5–2 ku garaaceen Chelsea lugtii hore ee ka dhacday Paris toddobaadkii hore.
Chelsea ayaa si xun u burburtay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulankaas, taasoo ka dhigaysa inay horyaallaan hawl aad u adag marka ay ku ciyaarayaan Stamford Bridge.
Si kastaba, Dembélé, oo ku guuleystay Ballon d’Or, wuxuu ku adkaystay in PSG aysan difaac geli doonin, balse ay sii wadi doonaan weerarka:“Sidaan u sheegay kadib kulankii hore, maskaxdeennu waa inaan guuleysano. Ma noqon karno kuwo difaac kaliya ah. Waa inaan guuleysanaa”
“Waa inaan aad u feejignaanaa. Chelsea waa koox tayo sare leh, waxayna ku guuleysteen kulamo badan oo Yurub ah. Maskaxdeennu isma beddelayso — waxaan halkaan u nimid inaan guuleysano.”
Dembélé sidoo kale wuxuu sheegay in PSG ay wax ka barteen dhibkii ay la kulmeen xilli ciyaareedkii hore, markii ay la ciyaarayeen Aston Villa wareegga quarter-finalka.
Markaas PSG waxay hal mar ku hogaaminaysay 5–1 (wadarta guud) kulankii ka dhacay Villa Park, laakiin Aston Villa ayaa 3 gool oo degdeg ah dhalisay, taasoo ka dhigtay ciyaarta mid aad u kacsan ilaa dhammaadka.
“Waxaa dhici karta inaan yara dhibtoonno,” ayuu yiri Dembélé.
“Laakiin sida xilli ciyaareedkii hore — waan ku guuleysanay Champions League, inkastoo aan la kulannay waqtiyo adag. Waa inaan diiradda saarno”“Waxaan ku hogaamineynaa 3 gool, laakiin maskaxdeennu isma beddelayso. Ma noqon doono koox difaac sugta. Waxaan ciyaari doonaa kubaddeenna.”
Be the first to comment