Weeraryahanka Galatasaray Victor Osimhen ayaa u muuqda mid meesha ka saaray in uu ku biirayo chelsea suuqa January.
Intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaagan, xiddiga heerka caalami ee dalka Nigeria ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu ka soo wareegayo Napoli oo uu ku biirayo Chelsea ama Saudi Pro League.
Si kastaba ha ahaatee labadaas dhinac ayaa ku fashilmay saxiixa xiddiga iyada oo Galatasaray si lama filaan ah ula wareegtay xiddiga 25 jirka ah.
Osimhen ayaa tan iyo markaas gacan ka geystay lix gool iyo afar caawin siddeedii kulan ee uu u saftay kooxda Turkiga, oo uu ku jiro labo gool oo uu ka dhaliyay Europa League.
Waxa jira warar sheegaya in uu xiddiga Osimhen u dhaqaaqi doono chelsea suuqa January ee bilowga sanadka cusub.
Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa in Osimhen uu haysto fikrado kala duwan inta ka dhiman xilli ciyaareedkiisa isagoo u ballan qaaday mustaqbalkiisa gaaban ee kooxdiisa hadda.
Osimhen ayaa yiri: “Waxaan halkaan u joogaa ciyaaryahan Galatasaray ah, waan ku faraxsanahay halkan, tan iyo markii aan imid taageerayaasha Galatasaray, kooxda, waxaan arkay sida ay qoys u weyn tahay kooxdan.
“Waxa aan arkay wax badan oo la isla dhexmarayo oo sheegaya in aan kooxda ka tagi doono January, waxa aan ku sheegi karaa in aan halkan joogi doono ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan”.
Be the first to comment