
Waxa lagu jiraa dhamaadka xilli ciyaareedka iyada oo kooxaha u dagaalamayaan sidii ay meel fiican ugu dhamaysan lahaayeen.
Sidoo kale Kooxaha ayaa bilaabaya sidii ay u ilaysan lahaayeen xiddigo ay ku xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka ambe.
Manchester United ayaa doonaysa in ay goolhayaheeda Andre Onana ka iibiso Saudi Arabia ayna ku badalato goolhayaha kooxda Royal Antwerp ee Senne Lammens ama goolhayaha Lille ee Lucas Chevalier kaas oo ay sidoo kale doonayso Manchester City (The Sun).
Liverpool ayaa ku qasbanaan doonta inay bixiso ugu yaraan 60 milyan Si ay ula soo wareegto daafaca dhexe ee kooxda Inter Alessandro Bastoni xagaagan (Football Insider).
Iyada oo ay jirto tartan Man Utd, Newcastle United ayaa diyaar u ah inay la kulanto qiimaha Brentford ay ku doonayso weeraryahanka Cameroon Bryan Mbeumo (Caughtoffside).
Lyon ayaa go’aansatay inay iska iibiso xiddiga xulka qaranka France ee 21 jirada Rayan Cherki xagaagan. Liverpool, Bayern Munich iyo Borussia Dortmund ayaa dhamaantood ku tartami doona saxiixiisa (The Sun).
Fursadaha ay Man Utd ku iibin karto weeraryahan Rasmus Hojlund xagaagan ayaa ka hooseeya 50% (GIVEMESPORT).
Arsenal, Aston Villa, Chelsea, Liverpool, Man Utd, Newcastle iyo Tottenham Hotspur ayaa dhamaantood isha ku haya saxiixa garabka Atalanta Ademola Lookman, kaasoo sidoo kale ay isha ku hayaan kooxaha Barcelona, Atletico Madrid iyo Juventus (Caughtoffside).
Kooxaha Chelsea iyo Liverpool ayaa diyaar u ah in ay ku bixiyaan lacag dhan 75 milyan oo euro si ay ula soo saxiixdaan Lookman (Fichajes).
Nottingham Forest ayaa dib u soo celin doonta baacsiga ay ku doonayaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Douglas Luiz dhamaadka xilli ciyaareedkan (Tuttosport).
Barcelona ayaa isku dayi doonta in ay iska iibiso daafaca dhexe ee Andreas Christensen xagaagan ka hor inta uuna heshiiskiisu dhicin 2026 (Marca).
Wakiilada weeraryahanka Lille Jonathan David ayaa “wadahadal dhab ah” kula jira Arsenal, Man Utd iyo Tottenham iyaga oo doonaya in ay helaan saxiixiisa (Le10Sport).
Liverpool waxaa ka go’an inay Arsenal, Aston Villa, Paris Saint-Germain iyo Man Utd ku garaacdo saxiixa garabka Athletic Club Nico Williams waxayna u soo boodeen safka hore iyagoo bixinaya lacagta lagu bur-burinayo heshiiskiisa oo han 60 milyan oo euro (TodoFichajes).
Chelsea ayaa isku diyaarinaysa inay iska fasaxdo weeraryahan Christopher Nkunku xagaagan ka dib markii uu hoos u dhacday qaab ciyaareedkiisa iyadoo uu maqan yahay weeraryahan Nicolas Jackson (GIVEMESPORT).
Sidoo kale waxaa lala xiriirinayaa inuu ka tagayo Chelsea xiddiga garabka ka ciyaara ee Noni Madueke. Blues ayaan doonayn in ay iibiso laakiin AC Milan ayaa kalsooni ku qabta in heshiis ku kacaya 40 milyan oo euro (TodoFichajes).
Milan ayaa sidoo kale ceyrsaneysa garabka Manchester City Jack Grealish. Amaah ayaa noqon doonta dookha kooxda Serie A laakiin waxay aqbali doonaan heshiis joogto ah oo ku kacaya 40 milyan (The Mirror).
Real Madrid ayaa diyaar u ah inay soo afjarto xiisaha ay u qabto xiddiga khadka dhexe ee Chelsea Enzo Fernandez si ay u hesho xiddiga Stuttgart ee Angelo Stiller (Fichajes).
Barcelona ayaa diyaarisay qiimo dhan €120m si ay ula wareegto weeraryahanka qaab ciyaareedka fiican ku jira ee Raphinha (Fichajes).
Be the first to comment