Odion Ighalo Oo Saadaaliyay Labada Xul Ee Isaga Hor Iman Doona Final-ka Koobka Africa.

Weeraryahankii hore ee xulka Nigeria (Super Eagles), Odion Ighalo, ayaa saadaaliyay dalalka ku kulmi doona final-ka Koobka Qaramada Afrika 2025.

Xulalka Senegal, Masar, Morocco iyo Nigeria ayaa u soo baxay wareegga afar-dhammaadka tartanka kadib markii la soo gabagabeeyay ciyaarihii rubuc-dhammaadka Sabtidii.

Senegal ayaa 1–0 ku garaacday Mali, halka Morocco ay 2–0 kaga adkaatay Cameroon kulamadii la ciyaaray Jimcihii. Sabtidii, Nigeria ayaa xaqiijisay booskeeda semi-finalka kaddib markii ay 2–0 ku dubatay Algeria, halka Masar ay Ivory Coast ku sagootisay guul 3–2 ah.

Arbacada, Nigeria ayaa wajihi doonta dalka martida loo yahay ee Morocco, halka Masar ay la ciyaari doonto Senegal kulamada semi-finalka.

Isagoo ka faalloonayay kanaalka SuperSport, Ighalo wuxuu saadaaliyay in final-ka ay iskaga hor iman doonaan Nigeria iyo Senegal, taasoo micnaheedu yahay in Super Eagles ay khasab ku tahay inay ka adkaadaan Morocco, halka Senegal ay garaacdo Masar.

“Waxay noqon doontaa ciyaar aad u adag. Waxaan filayaa inay jiri doonaan kaarar badan, maxaa yeelay waxaad arki doontaa isku dhacyo iyo muran badan kulankaas,” isagoo ka hadlayay kulanka u dhexeeya Masar iyo Senegal.

“Waxaa jiri doona dagaal iyo muran badan, sababtoo ah Masriyiintu ma oggolaan doonaan in Senegal mar kale ka adkaato si ay final-ka u gaaraan. Waxay doonayaan aargoosi. Laakiin ugu dambeyn, waxaan arkaa Senegal oo gacanta sare leh.”

“Waxaan filayaa in final-ku noqdo Senegal vs Nigeria”ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga