Manchester City ayaa barbaro 2-2 ah la gashay Nottingham Forest, kulan ka tirsanaa wareegga 29-aad ee Premier League oo lagu ciyaaray garoonka Etihad Stadium.
Manchester City ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 31-aad markii uu gool u dhaliyay Antoine Semenyo. Si kastaba, Nottingham Forest ayaa barbaraha keenay daqiiqaddii 56-aad iyadoo uu goolka dhaliyay Morgan Gibbs-White.
City ayaa markale hoggaanka la wareegtay daqiiqaddii 62-aad kadib gool uu dhaliyay Rodri, balse Nottingham Forest ma quusan oo waxay keeneen goolkii labaad ee barbaraha daqiiqaddii 76-aad, kaas oo uu dhaliyay Elliot Anderson.
Natiijadan kadib, Manchester City waxay gaartay 60 dhibcood iyadoo ku jirta booska labaad ee kala sarreynta Premier League, halka Nottingham Forest ay gaartay 28 dhibcood oo ay ku jirto booska 17-aad.
Be the first to comment